Shiinaha oo ka mid noqday xarunta COVAX ee ka hortagga Covid 19

China Pictorial

Shiinaha ayaa si rasmi ah u saxiixday heshiiska ku biirista Xarunta COVAX ee ay hogaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunka WHO, si loo hubiyo in dalalka saboolka ah ay helaan tallaal lagu badbaadinayo nolosha aadanaha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hua Chunying ayaa ku sheegtay in go’aanka Shiinaha uu ahaa “tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo bulshada guud ee caafimaadka iyo in tallaallada COVID-19 loo beddelo mid caalami ah oo wanaagsan.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka leh dhaqaalaha ugu weyn ee taageeray dadaalka illaa iyo hadda looga hortagayo cudurka,inkastoo dalalka Mareykanka iyo Ruushka midkoodna uusan weli saxiixin heshiiskaasi.

UN-ka ayaa ku baaqay taageero dheeri ah oo loogu talagalay qorshaha tallaalka dadka,waxaana WHO ay ka digtay in tirade dhimashada ay gaarto 2 milyan oo dhimasho ah, ka hor tallaalka.

Xarunta COVAX ee ay hogaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunkee WHO,waxa ay qorsheynayaan in tallaalka la gaarsiiyo ilaa laba bilyan dhamaadka sanadka soo socda.si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada caalamka ay qabaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email