Faahfaahin: Nin caan ka ahaa Gaalkacyo oo masaajid lagu dhex dilay

Magaalada Gaalkacyo qeybteyda waqooyi ee maamulka Puntland waxaa xalay lagu dilay allaha u naxatiistee nin shacab ahaa oo lagu magacaabi jiray Saciid Jaamac Maxamed.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska Puntland goorta falkan qaarijinta ah dhacayay waxay ahayd salaadii makhrib kadib.

Shaqsiga la qaarijiyay ayaa loo garan ogaa Saciid Maradona waxuuna ahaa Taksiile caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo & nawaaxideeda, isagoona la sheegay in uu isugu dhex safri jiray Garowe iyo Gaalkacyo.

Marxuumka ayaa lagu dhex qaarijiyay isagoo ku dhexjira masjidka Abuu Hurayra ee xaafadda Israac oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Falkan waxaa la sheegay inuu geystay nin dhallinyaro ah oo ku hubeysanaa bastoolad, kaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilkiisa kadib ciidamada ammaanka Puntland ayaa xaafadaha waqooyi ee magaalada ka bilaabay howlgallo culus oo lagu baacsanayo qofkii geystay dilkaas.

Waxaana saakay la soo sheegayaa in howlgalladaasi ay weli ka socdaan xaafadaha waqooyi ee magaalada, balse lama shaacin cid lagu soo qabtay illaa hadda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email