Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle “Xil heynta madaxweyne Waare waa dhamaatay”

Afhayeenka baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Hirshabeelle Shiikh Cusmaan Barre Maxamed ayaa wareysii uu siiyey laanta afka Soomaliga ee BBC-da u sheegay in xil heynta sharciga ee Madaxda maamulkaas dhammaatay 9-kii Oktoobar, wixii hadda ka dambeeyana la qorsheynayo doorashada 4-sano ee soo socota.

“Xukuumadda waqtigeeda halkaas ayuu ku dhamaaday waxaa howsha sii wadaya Baarlamaanka hadda jira oo ah ku simayaha Baarlamaanka cusub sida ku xusan qodobka 40-aad ee dastuurka DG Hirshabeelle” ayuu yiri Cismaan Barre Maxamed.

Waa uu sii hadlay waxa uu sheegay in loo hoggaansamo fulinta sharciga oo ah waxa lagu wada joogo, maadaama mas’uul waliba lagu qadarinayo awoodda dastuurka uu leeyahay si loo sii joogteeyo xasiloonida iyo xil isku dhiibka doorashada ku dhisan.

“Madaxweynaha & Xukuumadda shaqadoodu waa ay dhammaatay, Aniga waxa aan ahay Guddoomiyihii hay’adda sharci dejinta oo halkaan waxa aan ku joogaa sharci, waxaa bilaabaneysa howsha doorashada, Ergooyinka ayaa guda-galaya xulista Baarlamaanka, Guddiga farsamo ee uu magacaabay Madaxweynuhu ayaa bilaabay howsha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Haddaba Madaxweyne Waare ayaan weli wax war ah kasoo saarin hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka baarlamaanka dowladd goboleedka Hirshabeelle, walow  Sheikh Cismaan Barre Maxamed & Madaxweyne Dr. Maxamed Cabdi Waare marar kala duwan soo kala dhexgalay khilaaf dhanka shaqada maamulka ah, go’aamo uu qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle ayuu kahor yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka, inkasta oo markii dambe la xaliyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email