Sarkaal milatari ah oo xalay lagu dilay Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa milatariga Somaliland.

Maxamuud Jaamac Axmed (Ina Jaamac Dhagjar) ayaa la sheegay inuu dilay nin ka tirsan ciidan uu isagu madax u ahaa.

Qaar ka mid ah ehelka marxuumka ayaa BBC-da u sheegay in Maxamuud uu ka soo baxay masaajidka, kaddibna uu tegay xerada ciidankii uu maamulayay, halkaasna lagu dilay.

Ninka dilka geystay ayaa sida la sheegay baxsaday, lamana oga sababta ka dambeysa dilka marxuumka. Booliiska Somaliland ayaan weli ka hadlin arrintaas.

BBC

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email