Saraakiil maxkamadda ICC ka socda oo Sudan u tagay la wareegista Kiiska Al Bashiir

Saraakiil sarsare oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (ICC) ayaa gaaray wadanka Suudaan si ay ula soo wareegaan kiis dacweedka loo heysto Madaxweynihii ugu xil heynta dheeraa Jamhuuriyadda Suudaan Mudane Cumar XasanAl Bashiir.

Saraakiishan ayaa la sheegay in ay la kulmeen madaxda dowladda KMG ah ee Suudaan si ay u suuragasho wareejinta kiis dacweedka loo heysto Al Bashiir ee la xiriira in uu geystay dambiyo ka dhan ah Aadanaha muddada uu xafiiska joogay.

Maxkamadda ayaa dhowr jeer warqad soo qabasho ah u jartay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, balse waa ay ku hungoobeen, maadaama safarada uu dalkaas uga baxayay uu aad u xadiday, balse mar ayuu halis galay in la qabto bartamihii June 2015-kii oo uu ku sugnaa dalka Koofur Afrika.

ICC ayaa Koofur Afrika waqtigaas ka dalbatay in ay xirto si looga gooyo dambiyada uu ku eedeysan yahay, balse waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay xukuumaddii talada heysay oo sheegtay in ay casuumtay oo ay cayb ku tahay gacangelintiisa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qiyaastii 300,000 oo qof lagu dilay dagaalada Suudaan, kuwaa oo billowday kaddib kacdoon ka dhacay Daarfuur sanadkii 2003-tii, Dowladda ayaa lagu eedeynayaa in ay si bareer ah u dishay shaqsiyaadka qaar.

Al Bashiir oo 76 jir ah ayaa sannadkii hore xilka laga tuuray kaddib mudaaharaadyo waawayn oo dalkaasi ka dhacay.

Saraakiisha ka socota maxkamadda ICC ee hadda ku sugan magaalada Khartuum waxaa kamid ah dacwad oogaha maxkamaddaasi Fatou Bensouda, qorshaha ayaa ah in loo ogolaado wareejinta dacwaddaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email