Saraakiil & masuuliyiin uu hogaaminaayo Jeneral Odawaa oo xalay soo gaaray Luuq

Saraakiil sare sare & masuuliyiin uu ku jiro maamulka gobolka Gedo ee uu hogaaminayo taliyaha ciidamada xooga dalka sareeyo guuto odawaa Yuusuf Raage ayaa xalay safar dhanka dhulka ah, kusoo gaaray degmada Luuq.

Iyagoona shalay gelinkii dambe kasoo ambabaxay magaalada Dolow Somaliya.

Taliyaha ayaa sida la sheegay waxaa la socdo masuuliyiin ay ka mid yihiin taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor, taliya qeyba 43-aad ee Jubooyinka iyo Gedo, taliyaha guutada 10-aad qeybta 43-aad ee gobolka Gedo, taliyaha ciidamada xasilinta Gedo, gudoomiyaha gobolka Gedo, taliyaha qeybta booliska gobolka, gudomiyaha degmada Luuq, taliyayayaasha ciidamada nabad sugida degmooyinka Dolow & Luuq iyo weliba masuuliyiin kale.

Waxaana degmada Luuq xalay kusoo dhaweeyey qaar ka mid ah maamulka degmada Luuq, sarakiil ciidan militari boolis iyo nabad sugid.