Sadax maalin kadib Trump oo laga bixiyay isbitaalkii uu ku jiray

Madaxwaynaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa laga bixiyay isbitaakii uu ku jiray kadib sadax habeen uu halkaasi ku hoyday.

Trump ayaa aqalka Cad, dib ugusoo laabtay iyadoona halkaasi looga sii daween doono fayraska Karona oo Jimcihii hore ku dhacay isaga iyo xaaskiisa.

Donald Trump ayaa kahor inta uusan kasoo bixin cisbitaalka kusoo qoray bartiisa Twitter’ka. “Haka baqin Covid, hana u ogolaan in uu saameen kugu yeesho”.

“Aniga waan ka caafimaad qabaa hadda wali waxaan ka wanaagsanahay labaatan jirkaygii”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Trump Wadanaka Mareykanka ayaa ah dalka ugu daran dunida ee uu saameeyay xanuunka Covid19, waxaa haatan uu ku dhacay dadka gaaraya 7.4 milyan oo qof halka ay u dhinteen in kabadan 210,000 oo ruux.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email