RW Rooble Miyuu Ku Wareeray Halkii Uu Wax Ka Bilaawi Lahaa…

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaad 21 cisho xafiiska jooga ayaan weli soo dhisin xukuumad dalka ka saarta waqtiga kala guurka.

Waxaana lasoo warinayaa inay jiraan kala jiidasho, caadidis xoogan & soo jeedino ka luminaya jihada uu rabo in uu u ruqaansado.

Rooble oo 23 bishii hore lasiiye kalsoonida golaha shacabka ayaa weli la rafayana dhismaha xukuumad cusub oo aan heysan waqti ku filan oo ay shaqo ku qabato, culeyska dhanka waqtiga u harsan ayaana dhibka ugu weyn ee heysta ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxaa dib u dhaca xukuumadiisa qeyb ka ah sida ilo lagu kalsoonan karo laga soo xigtay Villa Soomaliya oo dooneysa in xubihii xukuumadii hore badi lasoo celiyo & isaga oo dad badan hore ugu balan qaaday in ay iska dhex arki doonan dhisamaha golohiisa wasiirada.

Rw Rooble ayaa la sheegay in markii hore uu aaminsanaa in dowladda hadda jirta ugu yaraan ay heli doonto hal sano oo muddo kordhin ah si uu shaqo badan u qabto, balse markii uu saaxada siyaasada soo galay xaqiiqsaday in Farmaajo uu rabo doorasho deg deg ah ee uu kaga dhex jeedo fursad dahabi ah.

Isku soo wadaduub waqtiga oo ciriiri ah, damaca wasiiradii hore oo kalsooni soo noqosho qaarkood ka heysta Villa Soomaliya, doorashada deg deg ah & balan qaadyadii badnee ee uu sameeye mudane Rooble ayaa xiisihii & xamaasadii ka qaaday xukuumada soo socota isla markaana niyad jab xoogan ku riday ra’iisul wasaaraha cusub sida ay sheegeyn xubo ku dhawdhaw.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email