Ruushka oo wadahadal xabad joojin ah u furaya wadamada Armenia iyo Azerbaijan.

Ruushka ayaa ku dhawaaqay in uu marti galinayo wadahadal nabadeed oo xal looga gaarayo xiisada kasoo cusboonaatay wadanada Armenia iyo Azerbaijan.

Labada wadan ayaa ku muransan gobolka Nagorno karabakh, halkaas oo dhawr jeer dagaal ku dhax maray.

Xafiiska wasiirka arimaha dibadda Ruushka Sergie Lavrov, ayaa sheegay in wasiirka uu qadka taleefanka kula hadlay labada dowladood.

In kabadan 100 ruux ayaa ku dhimatay dagaalkii socday tan iyo Axaddii, iyadoona dagaalka socdo uu noqonayo kii ugu xumaa ee labada dhinac dhax mara mudo sanooyin ah.

Sidoo kale madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron, kala hadlay sidii xabad joojin deg deg ah lookala dhax dhigi lahaa labada dowladood ee dariska ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email