Raysal wasaare dalka oo soo saaray wareegto ku socots golaha wasiirada

Raysal wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu maanta soo saaray amarro uu duldhigayo golaha wasiirrada ee xukuumadii hore ee kalsoonida lagala laabtay bishii July ee sanadkaan.

Raysal wasaraha ayaa sii hayeyaasha xukuumadii hore waxa uu ku amray in ay isaga iyo ku simaha ku xigeenka raysal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ay ku wargeliyaan, tallaabo kasta oo ay qaadayaan.

Waxa uu intaa ku daray raysal wasaare Rooble in wixii intaas ka soo hara ay noqon doonaan tallaabo an la aqbali doonin, sida ku cad warqad maanta ka soo baxday xafiiska raysal wasaare Rooble.

Hoos Ka Akhriso:-

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email