Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo Jigjiga ku geeriyooday

Cali Khaliif Galeyr | Somali Wiki

Allaha unaxariistee waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida goordhaw ku geeriyooday Cali Khaliif Galeyr.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in marxuumka uu ku xannusanaa Jigjiga labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Cali Khaliif ayaa horey u soo noqday ra’iisulwasaaraha dawlada Soomaaliya sannadkii 2000, sidoo kale waxaa mar loo doortay Hogaamiyaha Khaatumo State oo dhisay gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxaa uu ku dhashay Magaalada laas Caanood ee xarunta Gobolka Sool qiyaastii sanadkii 1941 dii, waxaana haddsa uu ku geeriyooday da’da 78 sano jir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email