Daawo sawiradda: Ra’iisul wasaare Rooble oo xariga ka jaray dhismaha wasaarada beeraha

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xariga ka jaray dhismaha wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dib u dhis lagu sameeyey.

Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto beeraleyda Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaata koboca iyo wax soo saarka dalka.

Xarunta wasaaradda beeraha Soomaaliya oo ku burburtay dagaalladii dalka ka dhacay ayaan lagu shaqeyn muddo dheer.