Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka midowga Yurub Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha jamhuuriyada federaalka Soomaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa maanta Ku qaabilay safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlange.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in uu wadahal miro dhal ah la yeeshay safiirka midowga yurub ee Soomaaliya isagoona tilmaamay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga midowga Yurub ee horumarinta Soomaaliya iyo horey u socodka ammaanka iyo doorashooyinka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email