Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wargaliyay hay’adaha qaranka inay doorashooyinka dalka diirada saaraan

Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay dhaqan gelinta Heshiiska iyo habraacyada doorashooyinka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta doorasho muujinaysa hor u socodka iyo horumarka dalka, iyadoona Xukuumadu ay u gudbinaysaa hay’adaha qaranka qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta doorashooyinka ee 2020/2021, iyadoo ku saleysan heshiisyadii doorashooyinka ee Golaha wadatashiga qaranku gaaray.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, waxay ku wargalineysaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tanaasulkii iyo xilkasnimadii ee uu sameeyay si loo gaaro heshiisyada la xiriiray arrimaha doorashooyinka ee ugu dambeeyay heshiiskii bishan oktoober ee lagu jaan gooyay habraaca doorashooyinka 2020/2021.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa uga mahad celiyey Madaxweyneyaasha maamul gobeeldyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir mas’uuliyadda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku bogaadiyey guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka sida deg degga ah ee ay u sharciyeeyeen heshiiska, ugana guteen waajibaadka dastuuriga ah ee ka saarnaa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email