Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeer shaqo galabta ku tagay Wasaaradda Dastuurka

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeer shaqo ku tayay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Isagoona kormeerka kadib kulan gaar ah la qaatay howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo labada Guddi ee ka shaqeeya dib u eegista Dastuurka KMG ah.


Bandhig, dood iyo falanqeyn dheer kadib, Ra’iisul Wasaaruhu waxuu hoosta ka xariiqay in dib u eegista dastuurka ay u leedahay mudnaan gaar ah ayna ku jirto waxyaabaha hortabinta u leh Xukuumaddiisa.

Rw Rooble ayaa balanqaaday inta ka hartay muddo xileedka Dowladda inuu dib u eegista dastuurka ka qaban doono hawl la taaban karo, isla markaana natiijo loo aayana u horseedi doono.


Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email