Ra’iisul wasaare Rooble oo booqday safaarada Soomaaliya ee Kuwait

Ra’iisul wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday Safarada Soomaaliya ee Kuwait.

Waxaa Safaaradda kusoo dhaweeyay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi.

Rooble ayaa safiirka iyo howl wadeena uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay shacabka ugu adeeggaan una matalaan qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale u soo jeediyay dardargalinta howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin in ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email