Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo maanta lagu dhaariyey kulanka golaha shacabka

Waxaa maanta kulanka xildhibaanada golaha shacabka lagu dhaariyey ra’iiusl wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah.

Labadan masuul ayaa ka maqnaa kulankii lagu ansixiyey golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo lagu dhaariyey dhamaan wasiirrada kale ee xukuumadda.

Xubnahan ayaa xilligaas safar ugu maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Uganda, halkaas oo ay uga qeyb galeen munaasabad xarigga looga jarayey warshad soo saarta Sonkorta oo ay dalkaas ka hir-gelisay gabar Soomaaliyeed.