Ra’iisul Wasaaraha dalka oo uga tacsiyeeyay dalka Kuweyt Geeridii Amiir Sabaax

Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tagay amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al Axmed Al jaabir Al sabaax ayaa uga tacsiyeeyay dalka Kuweyt geeridii Alle ha u naxariistee amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al Axmed.

Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimada ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is garab istaaga, iyada oo ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay murugada geerida amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt.

Ugudambeyntii ra’iisul Wasaaraha waxa uu tacsida la wadaagay guddoomiyaha golaha ummada dalka Kuweyt Marsuuq Alqaanim, dhigiisa dalkaas Sabaax Khaalid Al Axmed, Ku xigeenka taliyaha ciidammada ilaalada qaranka Mishcal Al Axmed, Amiirrada iyo dhamaan xubnaha qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email