Ra’iisul wasaaraha dalka oo lagu wado in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirada.

Waxaa soo dhamaaday kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ahaa,kuwaas oo uu Rooble ka waday magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyay.

Kulamadaas ayaa la xariiray dhismaha xukuumadiisa cusub.

Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in 48ka saac ee nasoo aadan uu ra’iisul wasaare Rooble ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirada.

Waxa ay wararku intaas ku darayaan, in xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble ay ka dhex muuqan doonaan qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadii dhacday ee Xasan Cali Khayre.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email