Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulamo ka bilaabay Kuwait

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait,

Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Kuwait waxaana ay uga qeybgelayaan tacsida iyo duco  amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Sii Hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay socdaalka Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda uu la kulmi  doono.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo ka bilaabo dalka Kuwait

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email