Madaxweyne Qoorqoor oo loo gudbiyay dacwo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya maamulka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo ka careysan warqad uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal ay qeylo dhaan xoogan ka muujiyeen iyagoona cabasho xoogan oo ay ka qabaan arinkaan u gudbiyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Guddoomiye Gacal ayaa warqad uu shalay soo saare shaqada uga joojiyay xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaannadaan ayaa Qoorqoor u gudbiyay in uu wax ka qabto cabashadooda oo salka ku heysa buuq ka dhashay howlaha shaqo ee baarlamaanka iyo awood sheegashada guddoomiyahooda.

Madaxweyne Qoorqoor ayaan weli wax falcelin ama jawaab ah ka bixin cabashada ka dhanka ah afhayeenka golaha baarlamaanka DG Galmudug.

Si kastaba dadka qaar ayaa qaba in cabashada xildhibaanadaan ay sii kicin doonto buuq siyaasadeed beryahii dambe ka taagnaa howlaha shaqo ee baarlamaanka maamulkaas.

Xildhibaanka shaqada laga joojiyay ayaa kamid ahaa ragii kursiga kula tartamay guddoomiyaha.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email