Qoor Qoor oo daahfuray kulan lagu lafo guri doono waxbarashada Galmudug 5-ta sano ee soo socota

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay Daahfuray kulan lagu taxliilin doono Diyaarinta Istaraatiijiyadda waxbarashada Galmudug shanta sano ee soo socota.

Kulankaam oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xubno ka tirsan goleyaasha ay ka kooban tahay dowlad goboleedka GM, Maamulka & Macallimiinta dugsiyada, Madaxda Jaamacadaha iyo Hay’adaha daneeya arrimaha waxbarashada, masuuliyiin iyo hawlwadeenno ka tirsan wasaaradda waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta sare ee Galmudug.

Madaxweynaha oo khubad ka jeediyey daahfurka istaraatiiyadda waxbarashada ee Galmudug ee 2021-2025 ayaa ku ammaanay wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug bilowga diyaarinta qorshahaan muhiimka ah ee ka tarjumi doona baahiyaha Waxbarashada deegaanada Galmudug.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email