QM oo sheegtay in shaqaale caafimaad looga dilay Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in labo shaqaale caafimaad looga dilay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed uu soo saaray Sanduuqa Badbaadada Carruurta (Unicef) ayaa lagu sheegay “geesiyaasha shaqaalaha dabeysha safka hore ayay ku jireen, iyaga oo naftooda halis u geliyay inay adeegyo caafimaad ah oo muhiih ah gaarsiiyaan carruurta nugul“.

Weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha caafimaadka waxay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah waana inaan loo dulqaadan. Unicef waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarka foosha xun waxayna dowladda ugu baaqeysaa inay sameeyaan baaritaan. Shaqaalaha arrimaha bani`aadannimada waa inaan marnaba la beegsan,” ayaa lagu yiir qoraalka.

Hay`adda ayaa tacsi u dirtay qoysaska shaqaalahaas geeriyooday. Ma jirto weli ced sheegatay weerarkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in shaqaalaha tallaalka dabeysha lagu dilay qarax shalay ka shacay Muqdisho;

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email