Qeybo kamid ah wadooyinka Mugadisho oo laga qaaday dhagaxaantii

Inta badan waxaa xalay jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho laga qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha magaalada.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka warar aan ka helnay iyo qaar kamid ah bulshada isticmaasha wadooyinka xaaly kadib loo furay ayaa sheegay in isgoosyada laga qaaday dhagaxaanta ay kamid yihiin isgoosyada Sanca, Siinay, Seybiyano, Tarbuunka, Sh Cali Suufi iyo meelo kale.

Muddo ku dhow 3 sano shacabka magaalada Muqdisho ayaa ku cataabayay xirnaanshaha wadooyinkaas waxaana shacabka iyo gaadiidka ay ku qabeen dhibaatooyin xoogan, iyadoona mar kala duwan dowladda ka codsaday in ay jidadka u furto.

Dowladda kama hadlin wali wadooyinka la furay xaaly laakin warar qaar ayaa sheegay in la xiray wadooyin kale oo la sheegay in xaaladdu amni loo xiray halka kuwa la furayna tahay qorshaha in shacabka laga qafiifiyay culuska ay ku qabeyn jidadkaas xirnaa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email