Qasaaro ka dhashay weeraro culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Warar Alshabaab ay ku baahiyan barahooda interneedka ayeey ku sheegeyn in iska hor imaad xoogan uu ciidamo ka tirsan dowladda iyo cutubyo ka tirsan Alshabaab ku dhexmaray qeybo ka mid gobolka Hiiran.

Al Shabaab ayaana sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda kuwa kalana ay gacanata ku dhigeen. Walow aan la hubin sheegadaas, deegaanka Boocane ee hoostga degmada Halgan ayee sheegeyn in ay ku dileen askarigaas. 

Wararka kale ay isla gobolka Hiiraan ka imaanaya ayaa sheegaya in weerar xoogan oo ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ku dhexmaray xalay magaalada Baladweyne, iyadoona weerarkaas uu ka dhashay sida la sheegay qasaaro labada dhinac ah inkastoo aan tiro rasmi ah la xaqiijin.

Maamulka hirshabeele iyo kan  gobolka hiiran wali kama hadlin weerarkan la sheegay in uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoona inta badan deegaanada dhaca gobolka Hiiraan waxaa ka dhaca daagaalo udhexeya dagaalamayasha alshabaab iyo ciidamada dowladda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email