Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoos

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoos ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar bambaano oo geystay khasaaro kala duwan uu xalay ka dhacay halkaasi.

Weerarka bambaano ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lagu qaaday goob lagu caweeyo oo lagu magacaabo balanbal oo ku taallo xaafadda guulwade, waxaana la sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo isugu jira Shacabka iyo ciidan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi bambaano ayaa waxaa la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo si halkaasi loogu daweeyo.

Ciidamo ka tirsan booliska Jubbaland ayaa weerarka bambaano kadib waxaa ay sameeyeen howlgallo ay ku qabteen dad farabadan, kuwaas oo la geeyay saldhiga booliska magaalada Kismaayo.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay weeraro bambaano oo geystay khasaaro, sidoo kale ciidamada Jubbaland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen Saddex Ruux oo nabadsugida Jubbaland ay sheegeen inay fulin jireen weerarada bambaano.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email