Qarax dad shacab ah ay ku dhinteyn oo ka dhacay Shabeellada dhexe

Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe. Iyadoona sida la sheegay qaraxaani lala beegsaday mooto ay saarnaayeen dad shacabka.

Waxaana la soo werinayaa in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi.

Ma jiraan weli wax war oo ka soo baxay maamulka degmada Mahaaday ee gobolka shabeellada dhexe.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.