Puntland oo soo magacaawday xubnaha kumatalaya guddiga doorashada ee heer Federaal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u soo gudbiyay xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21, kaasoo waafaqsan heerka doorashada oo ay wadagaareen madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Xubanaha uu soo xushay Madaxweynaha Puntaland ayaa kala ah Cabdiwali Tima-cadde, Muuse Geelle, Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin kuwaasoo ku biiraya xubnaha kale ee Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay soo xulayaan.

Cabdiwali Timace iyo Muuse Geelle ayaa, sidda xogta ku cad, waxay kamid noqonayaan Guddiga doorashooyinka heer federal, halka Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin, oo lataliye u ah madaxweyne Deni, ay ku biiraya guddi xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Guddiga farsamada & Xalinta khilaafaadka Doorashada ayaa marka lasoo wada gudbiyo kulan yeelanaya si ay isaga dhex doortaan Guddoomiyaha ugu da’da weyn oo si KMG ah u abaabulaya doorashada dhexdooda, bilawga bisha Nofeembar waxa ay waji doonaan howsha ugu culus oo ah diyaarinta, Hubinta iyo Xareynta Ergada Beelaha Kuraasta BFS.