Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo beri la filayo in ay ku dhawaaqaan xubnaha guddiga doorashooyinka

Sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhaw madaxtooyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu beri soo magacaabo min laba xubnood oo Puntland uga mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale magacaabaya Guddi-hoosaadka heer Puntland oo Arrimaha Doorashada kala shaqayn doona Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, sida ay xaqiijiyeen Ilo xog-ogaal ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in haatan ay diyaar yihiin dhammaan xubnahaasi kala duwan, kadib markii xal rasmiya laga gaaray khilaaf saacadihii u dambeeyay ka taagnaa magacaabistooda.

Sidoo kale maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay soo magacabaan xubnahaan.

Hirshabeelle ayaan wax dhaqdhaaq ah oo arimahaan la xiriira aysan ka jirin, inkastoo ay ka socdaan abaabulka doorasho muran badan iyo kala shaki uu hareeyay, iyadoona weli si rasmi ah loo guda galin howlihii muhiimka ahaa.