Odayaal dhaqameed Jowhar u tagay soo xulista Xildhibaanada 2-aad ee Hirshabeelle

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle waxaa shalay Axadii gaaray qaar ka mid ah odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Odayaal dhaqameedyadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabelle ee uu horaanta bishan Maxamed Cabdi Waare saluub badan ka muujiye shaqadooda walow uu isagu magacaabay guddigaan.

Odayaashan soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxmed Weli Xuseen Islow, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo qaar kale.

Ujeedka odayaal dhaqamedyadan ay shalay u gaareyn magaalada Jowhar ayaa ah sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanada 2-aad ee baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Mudada xil haynta Dowlad goboledka Hirshabelle ayaa soo gabagabowday iyadoo lagu wado in illaa horaanta bisha soo socota ee November la qabto doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

Magaaladda Jowhar waxaa ka socda ololaha doorashada Xildhibaanadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle,inkastoo siyaasiyiinta qaarkood ka biyadiideen howlaha ka socda magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email