Oday la dhashay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaaka Somaliya oo toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay toogasho ku dileen nin oday ah oo la dhashay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dilkan ayaa ka dhashay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waaana lagu dilay nin oday ah oo lagu magacaabo Axmadey Siidow Baaba oo la dhashay Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Marxuum Axmadeey Siidow ayaa xilliga toogashada lagu dilay kasoo baxay xaafad ay socotay xaflad aroos ah, degaanka Ceelsha Biyaha. Waxaa goobta ka baxsaday dableydii falkaasi geysatay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobalka Shabeelada Hoose iyo cidda falkaasi sheegatay.
Xorriya