NISA oo Ganacside caan ah iyo Wariye idaacadda KNN ka tirsan Muqdisho ku xirtay…

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo garan ogyahay (NISA) ayaa labo habeen oo isxiga oo kala ah xalay iyo habeen hore waxay magaalada Muqdisho guryahooda kala soo baxeyn kuna soo xirtayn Ganacside caan ah iyo Wariye idaacadda KNN ka tirsan.

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ayaa xalay la sheegay inay gurigiisa ugu galeen oo ay soo xireen Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan suxufiyiinta somaaliyeed, wariyaha la xiray ayaa ka howl galayay Idaacadda KNN.

Wariye Cabdullaahi Kulmiye ayaa wareystay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo asna Ciidanku dowladu soo xirayn habeen hore, dadka ka ag dhow wariye Cabdullaahi Kulmiye ayaa sheegay in loo heysto wareysiga uu ka qaaday Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo wareysiga ku sheegay in uu taagersan yahay afkaarta Al Shabaab.

Wariye Cabdullaahi Kulmiye Cadoow ayaa sida warar ay heshay Xorriya.com sheegayaan in gurigiisa oo aan ka fogeyn madaxtooyada ay Ciidamo Nabadsugid ah ugu daateen kadibna ay soo wadeyn isagoo ku dhex jira waqtigaas xaaskiisa & carruurtiisa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email