NISA oo gacanta ku dhigtay maaddo qaraxyada laga sameeyo

Hay’adda Nabad sugudda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitterka ku sheegtay in gacanta ay ku dhigeen 79 tan oo ah maadada (Sulfuric Acid) iyo shaqsiyaadkii keenay dalka,kuwaasi oo ay sheegtay in ay u gudbinayeen maleeshiyada Alshabaab.

Sulfuric Acid ayaa ah maaddo kiimiko oo bido ah taasi oo kamid ah wax yaabaha loo isticmaalo sameynta qaraxyada.

NISA ayaa qoraalkeeda kusoo gaabisay in baaritaan sharci ah ay wajihi doonaan dadkii gudaha dalka soo geliyay maadadaan, iyadoona kala kaashaneysa hay’adaha kala shaqeeya la dagaalanka argagixisada.