NISA oo baaritaan marsiineysa dhammaan shaqaalaha dowlada fedraalka

Warqad ka soo baxday wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hey’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay baaritaan marsiin doonto dhamaan shaqaalaha ka howlgala xafiisyadda dowladda Soomaaliya.

Warqadan ayaa ku taariikhaysan 3dii bishan October, waxaana ku saxiixan wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa, iyadoo laga codsaday hey’adaha dowladda inay arrintaan baaritaanka ah kala shaqeeyaan hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa dhamaan hey’adaha dowladda fedraalka inay la shaqeeyaan hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka oo baaritaan amni ku sameyn doonta, dhamaan shaqaalaha ka howlgala hey’adaha dowladda, iyagoo wareysi iyo diiwaan gelin intaba ku sameyn doona, si loo hubiyo bad qabka amni ee la xariira shaqaalaha iyo xarumaha dowladda” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Hoos ka akhriso

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email