Muuse Biixi: “Hay`adda Qaramada Midoobay waxay ka amar qaataan dowladda Xamar”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay hay`adda Qaramada Midoobay inay ka amar qaataan dowladda Soomaaliya isla markaana ay ku lug leeyihiin siyaasad.


Muuse Biixi oo ka hadlayay shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo maanta furmay ayaa sidoo kale sheegay in Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan uusan matalin Somaliland, balse ay soo dhoweynayaan cid walba oo “si ixtiraam ku jiro” u dooneysa inay ula shaqeyso.

Sanadahan daambe hay`ado aan siyaasado gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa, ee ay ka mid yihiin hay`ado badan oo isku magacaaba samafal oo dadka canshuurta bixiya ee dalalkooda lacag kaga soo uruuriya waxaanu gargaareynaa dad baahan oo aanu samafal u fidineynaa.

Hay`ado badan oo ka mid ah sanadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimeysa ama aan ku habbooneyn qarannimada Somaliland, oo ah inay fuliyaan oo ay raacaan amarrada laga siiyo Villa Somalia ee dowladda ay iyagu ilaaliyaan ee ay mushaarka ka bixiyaan, markaas ayay u soo gudbiyaan Somaliland inay ku dhaqmaan, taasina ma suurtoobeyso.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay habboon tahay in baahida ka jirta Somaliland uu maamulkiisu sheego uuna qosheyo mashaariicda laga hirgelinayo hayadii ama cidii kale ee aan dooneyna ay kaalmadeeda ceshato.

Shir ay dhowaan yeesheen golaha wasiirrada Somaliland ayaa laga soo saaray amar ah in hay`adaha QM ay hakiyaan howlaha ay ka hayaan Somaliland, “inta xal laga garayo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email