Muslimiintu maxay ku kala xulanayaan Trump & Biden Doorashadda Maraykanka?

Muslimiinta waa dad aad u tiro yar oo ku nool Mareykanka marka loo eego bulshooyinka kale ee nool dalkaasi, laakiin waxaa laga yaabaa in ay saameyn weyn ku leeyihiin doorashooyinka Mareykanka. Muslimiinta Mareykanka, si kastaba ha noqotee, inta badan waxa ay udhaxeeyaan hadalada muslim naceybka ee madaxweyne Donald Trump iyo aragtida ah in Dimuqraadiyiintu ay wiiqeen anshaxa guud Muslimiinta iyo arimaha qoyska.

Marka loo eego xogta 2017 ee Xarunta Cilmi-baarista ee Pew, 3.45 milyan oo Muslimiin ah ayaa deggan Mareykanka, taas oo ah 1.1% tirada guud ee dadweynaha. In kasta oo ay tani u muuqan karto mid yar, Pew wuxuu ku qiyaasayaa in Muslimiinta ay dhaafi doonaan tirada dadka Yuhuudda ah marka la gaaro 2040 si ay u noqdaan koox diimeed labaad ee ugu weyn marka laga reebo Masiixiyiinta.

Muslimiinta Mareykanka badanaa waxa ay ku nool yihiin magaalooyin waaweyn. Qiyaastii 58% ayaa ku dhashay dibedda. 18% kale waxa ay ku dhasheen America hal waalid ama inka badan oo ah soogalootiga jiilka koowaad. Qiyaastii rubuc (24%) Muslimiinta Mareykanka waxaa loo tixgeliyaa in ay ku dhasheen Mareykanka.

Muslimiinta Mareykanka waxa ay ka mid yihiin kooxaha qowmiyadaha iyo jinsiyadaha kala duwan ku nool Mareykanka. Qeyb weyn (41%) oo Muslimiin ah waxa ay u aqoonsadaan in ay yihiin caddaan, ku dhowaad saddex-meelood meel (28%) waa Aasiyaan (oo ay ku jiraan Koonfurta Aasiya), shan-meelood meel (20%) waa Madow, ku dhowaad 8% na waa Hisbaanik.

Codbixiyeyaasha muslimiinta ah waxa ay la kulmaan jahwareer siyaasadeed!

Kala duwanaanta tirada dadka muslimiinta Mareykanka ah waxaa loo tixgaliyaa muuqaal gaar ah markay tahay siyaasadaha. Arimaha anshaxa iyo arimaha bulshada, muslimiintu waxa ay ugu dhawyihiin xisbiga muxaafidka ah ee jamhuuriga, laakiin arimaha dhaqamada iyo diimaha kala duwan waxa ay si fiican ula jaanqaadaan xisbiga dimoqraadiga ee xorta ah.

Sida laga soo xigtay sahan doorashada golaha koongareeska, 18% muslimiinta Mareykanka ah waxa ay isku tilmaameen in ay yihiin muxaafid, 51% dhexdhexaad ah halka 31% soo hartay ay yihiin dad xor ah.

Isla sahanka ayaa lagu ogaaday in 88% dadka muslimiinta ahi ay taageersan yihiin xakamaynta adag ee qoryaha marka la barbar dhigo 96% codbixiyaasha Dimuqraadiga guud ahaan.

Codbixin la sameeyay bishii Maarso 2020 ee machadka siyaasada iyo fahamka bulshada (ISPU) ayaa muujisay in 65% dadka muslimiinta ah ay taageersanyihiin dhaqdhaqaaqa Nolosha Madow, taageerada ugu sareysa ee dhamaan kooxaha diinta ee Mareykanka

Isla ra’yi ururintii ayaa lagu ogaaday ku dhowaad kala bar codbixiyaasha muslimiinta ah oo taageeray isbahaysiyo u dooda xuquuqda xorriyadda diinta. Muslimiinta Mareykanka waxa ay sidoo kale filayaan in loola dhaqmo si xushmad leh loona aqbalo in ay qeyb ka yihiin qaranka Mareykanka. Xisbiga Dimuqraadiga waxa ay u badan tahay inuu la kulmo rajadan.

Dhanka kale, Muslimiinta Mareykanka ma taageeraan dhaqdhaqaaqa LGBTQ (55%) waxayna aad ugu dhowdahay Yuhuudda iyo Katooligga in ay taageeraan isbahaysiga kuwa kasoo horjeeda ilmo soo rididda. Muslimiinta sidoo kale waxa ay u arkaan Trump rajo wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah.

Marka, Muslimiintu waxay u arkaan Jamhuuriyeyaashu in ay cadaawad u qabaan Muslimiinta sababo jinsi awgeed, laakiin waxay u arkaan Dimuqraadiyiintu in ay cadaawad ku yihiin anshaxa Islaamka iyo qiyamka qoyska.

Jagada noocaas ahi waxay ku keentaa kala-qayb sanaan xagga cod-bixiyayaasha Muslimiinta ah. Isku soo wada duuboo qaybtani waxay mas’uul ka tahay diiwaangelinta doorashada ee hoose iyo isku-soo-baxa muslimiinta Mareykanka.

Laga soo bilaabo Maarso 2020, 78% ee Muslimiinta u qalma in ay codeeyaan ayaa loo diiwaangeliyey in ay codeeyaan. Kuwa diiwaangashan, 81% ayaa sheegay in ay soo xaadirayaan maalinta doorashada. Tani aad ayey uga hooseysaa marka loo eego kooxaha kale ee diinta, sida dadka wacdiya (92%) iyo Katooliga (91%).

Kala wareejinta qaababka codbixinta muslimiinta

20-kii sano ee la soo dhaafay, dookha xisbiga ee Muslimiinta Mareykanka ayaa si muuqata u wareegay. Kahor weeraradii argagixiso ee dhacay Sebtember 11 2001, dad lagu qiyaasay 80% oo aan ahayn African-American Muslimiin waxay ahaayeen codbixiyayaal Jamhuuriya, halka inta badan Muslimiinta Afrikaanka-Mareykanku ay u codeeyeen musharaxa Dimoqraadiga Al Gore.

Qaabkan codbixinta ayaa is beddelay xilligii wixii ka dambeeyay Sebtember 11, markii maamulkii George W. Bush iyo Xisbiga Jamhuuriga ay hormood ka ahaayeen waxa loogu yeeray “dagaalka argagixisada”.

Hadalada dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagaxisada, dabagalka faragalinta muslimiinta ee lagu sameynayo sharciga wadaniyiinta iyo ololeyaasha militari ee Afghanistan iyo Ciraaq ayaa ka abuuray Mareykanka jawi ka soo horjeedka muslimiinta. Muslimiintu waxa ay u arkeen dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero argagixisada inuu yahay dagaal ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta. Natiijo ahaan, codbixinta muslimiinta Mareykanka ee Bush waxay hoos ugu dhacday 7% kaliya doorashadii 2004.

Isbadal weyn oo ay codbixiyeyaashii muslimiinta ugu wareegeen xisbiga Dimuqraadiga ayaa ugu danbeyntii ku taageeray Barack Obama doorashadii 2008. Isla sidaas ayaa lagu sii waday iyada oo muslimiintu ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen Dimuqraadiyiinta doorashadii 2016, iyadoo 82% codadka ay heleen Hillary Clinton. Markii la gaaro 2018, taageerada muslimiinta ee xisbiga Jamhuuriga waxay ahayd 10% oo keliya.

Si kastaba ha noqotee, codbixintii ISPU ee bishii Maarso 2020, waxaa lagu ogaaday in taageerada muslimiinta Mareykanka ee cod bixiyaasha ee Trump ay kor u kacday 30%, maadaama codbixiyaasha muslimiinta ah ay rumeysan yihiin in Trump uu yahay maamule wanaagsan oo dhaqaalaha ah isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu ka qeyb qaato dagaalada Bariga Dhexe.

Arrinta xiisaha lihi waxay tahay, isla codbixintii ISPU waxay muujisay 31% muslimiin cadaan ah in ay taageereen Trump kana soo horjeedaan 8% Muslimiinta Madow iyo Carabta iyo 6% Muslimiinta Aasiya.

Ma cadda haddii maaraynta liidata ee Trump ee aafada ay sababtay hoos u dhac ku yimid taageerada Muslimiinta ee Trump.

Laakiin laba ficil oo kale ayaa wali quseeyo codbixiyaasha Muslimiinta.

Midka koowaad waa Amarkii 2017 ee Fulinta 13,769 ee Muslimiinta ka mamnuucay 7 dal – Ciraaq, Suuriya, Suudaan, Iiraan, Yemen, Liibiya iyo Soomaaliya – in ay soo galaan Mareykanka sababo la xiriira in dowladahaasi ay taageeraan argagixisada. Amarkan ayaa sidoo kale si aan xad lahayn u hakiyay gelitaanka Mareykanka ee dhammaan qaxootiga Suuriya.

Amarka fulinta ayaa loo yaqaanay “mamnuucida muslimiinta” waxaana lagu dhaleeceeyay in la bartilmaameedsado Muslimiinta “caqiidadooda darteed”. Xayiraadda ayaa saameyn weyn ku yeelatay xorriyadda safarka muslimiin badan oo Mareykan ah oo aan u dhalan.

Midda labaad waxay ahayd guuritaankii 2018 ee safaaradda Mareykanka ee Israa’iil ay ku tagtay magaalada Qudus, taasoo ka dhigan in Qudus loo aqoonsaday in ay tahay caasimad Yuhuud. Tani waxay ka careysiisay Falastiiniyiinta iyo Muslimiinta adduunka.

Hase yeeshe Joe Biden maahan ikhtiyaarka caadiga ah ee codbixiyaasha muslimiinta sidoo kale. Muslimiinta Mareykanka waxa ay ka rajeynayaan Biden in uu sameyso balanqaadyo ah in uu dib ugu eegi doonto “liiska daawashada” haddii la doorto. Kani waa keydka xogta baaritaanka argagixisada ee dowladda Mareykanka, oo ay ku jiraan magacyada shaqsiyaadka laga mamnuucay in ay galaan duulimaadyada ganacsiga. Dad badan oo muslimiin ah ayaa dareensan in siyaasada ay si cadaalad daro ah u beegsaneyso muslimiinta aan waxba galabsan. In kasta oo George Bush uu soo bandhigay siyaasaddan, haddana waxa si ballaadhan loogu dabaqay maamulkii Obama-Biden.

Ka fogaanshaha labada musharrax ee arrimaha Bariga Dhexe, ololaha socda iyo doodaha madaxweynaha ayaa ah arrin kale oo khuseysa codbixiyayaasha Muslimiinta. Iyaga oo aan la caddeyn halka ay musharrixiinta ka taagan yihiin arrimaha muhiimka ah ee arrimaha dibedda.

Walaacyadan ayaa u muuqda in ay horseedi doonaan “Biden ama cod la’aan” ama xulashada musharrax saddexaad oo ka mid ah muslimiinta codka bixiya.

Tani waa muhiim maadaama muslimiintu u soo baxeen ay go’aamin karaan natiijooyinka ka soo baxa gobollada lulaya ee Florida, Ohio, Virginia iyo gaar ahaan Michigan. Qiyaasta dadka muslimiinta ah ee degan Michigan waa 3%. Tartankan ayaa ku filan si loo ogaado natiijada ka soo baxda gobolka uu Trump ku afjaray Hillary Clinton 0.23% codadkii la dhiibtay 2016.

Isku soo bixitaan balaaran oo muslimiin ah iyo taageerada Joe Biden ayaa laga yaabaa in ay ku filnaato in midabka gobolada lulaya sida Michigan loo badalo midab buluug ah loona wareejiyo Aqalka Cad xisbiga Dimuqraadiga doorashada madaxtinimada ee 2020.

Ilaha:-Religionnews.com, Rappler.com, Pewresearc iyo Voanews.com

W/Q: Mowlid Mo’allim Adam

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email