Midowga Yurub oo markale Turkiga ugu hanjabey in ay Saari doonaan cunaqabateyn adag

Wadamada ku bohoobey Midowga Yurub ayaa markale Turkiga ugu hanjabey in ay saari doonaan, cunaqabateyn adag, haddii aaney Xukuumadda Ankara Joojin sida ay hadalka u dhigeen gardarrada uu ku hayso qaybo kamid ah dhulka Giriiga.

Af hayeen u hadley Midowga ayaa hadalkani waxaa uu ka sheegey shir hoggaamiyaasha Yurub ay ku yeesheen xarunta Brussels iyaga oo qodobada madaxdaasina ay kawada xaajooneyeen, ay meelaha hore ugu jirtey khilaafka u dhexeeya Athanis iyo Ankara oo Jimca ah, laakiin hadalkan ka soo yeerey wadamadani kama aaney jawaabin Dowladda Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaan ilaa iyo hadda ka jawaabin hadalkan hanjabaadda ah ee ka soo yeeray Midowga Yurub.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email