Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay dagaal ka dhacay degmada Deeyniile.


Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir  ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in ay ahaayeen Sarkaal iyo Darawalkiisa si gaar ah uga shaqeyn jiray deegnada Xiriirsan ee Balcad & Basro.

Qareennada u dooday labada eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay  u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen isla markaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha naxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka Sida oo soo xiray fadhiga maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda.