Maxkamad laashay dacwad loo heystay fanaan waa hore dhintay

Xaakim dalka Mareykanka ku sugan ayaa laalay dacwad uu soo gudbiyay mid ka mid ah dadkii eedeymaha u soo jeediyay fannaankii dhintay ee Michael Jackson, kaas oo sheegay in shirkadaha Jackson ay u oggolaadeen xiddiggaas inuu tacaddiyo kula kaco isaga iyo carruur kale.

James Safechuck ayaa sheegay in isaga oo 10 jir ah uu tacaddiyo kala kulmi jiray fannaanka.

Balse qareenka ayaa kiiskaasi laalay, isaga oo sheegay in shirkadaha aysan shaqadooda ahayn inay difaacaan Mr Safechuck.

Mr Safechuck wuxuu ka mid ahaa labo nin oo fannaankii geeriyooday ku eedeeyay inuu tacaddiyo u geystay, isagoo arrintaas ka sheegay barnaamij la sameeyay sanadkii hore.

Dacwaddiisa wuxuu ninkaasi ku sheegay in Jackson tacaddi kula kacay boqollaal jeer isagoo ku sugan gurigiisa iyo mar uu safar ku jiray dabayaaqadii sanadihii 1980-meeyadii iyo horraantii 90-meeyadii

Mr Safechuck ayaa dhowr jeer masraxa kala soo muuqday fannaanka.

Isha: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email