Maxay tahay ujeedada Wadooyinka Garoowe saakay loo xiray?

Magaalada Garoowe ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa lagu arkayaa ciidamo dhigtay Gawaarida Dagaalka ee Madaxtooyada ka diiwaangashan, halka garoonka diyaaradaha gudahiisa ay ku sugan yihiin masuuliyiin sare sare oo kamid maamulka Puntland.

Ujeedada ammaanka wadooyinka loo adkeeya ayaa lagu micneeyay in goor dhaw oo maanta ah la filayo in caasimadda gobolka Nugaal ee Garoowe uu soo gaaro Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu dadka kula hadlo Barxadda weyn ee Magaalada Garoowe oo lagu sii dhajiyay Calanka, Sawirradiisa iyo waxyaabo kale oo muujinaya soo dhaweyntiisa.

Marka uu tago Garoowe waxaa laga sugayaa magacaabista xubnaha labada ah ee guddiga farsamada doorashada iyo xalinta khilaafaadka oo qayb ka ah heshiisyadii laga gaaray doorashada dhawaan la filayo in guud ahaan Soomaliya ay ak qabsoonto.

Si kastaba madaxtooyada DG Puntland ayaa safarka 16-cishe ah ee uu Deni ku joogay Magaalada Nairobi ku sifeysay arrimo u gaar ah, balse kulamo siyaasadeedyo kala duwan ayuu ka qaybgalay mudada uu halkaas joogo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email