Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee golaha shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay Xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin mid kamid ah kulamadooda caadiga ahaa.

Ajanadayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Suacabka ayaa waxaa ay kala yihiin Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Adeegyadda Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada Dadweynaha iyo u Codeyta sharciga Hantidhawraha Guud ee Dawladda.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in uu jiro kulanka Maanta loogana baahan yahay inay kasoo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ku guda jira kal-fadhigii ugu dambeeyay ayaa waxaa horyaala sharciyo dhowr ah, kuwaas oo u baahan in la meel mariyo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email