Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Jiheynta Hirshabeellada Cusub Ee Dhawaan La Filayo?

Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka iyo Senatarada Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ugaga hadleen xaalada guud ee dhinaca siyaasada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Bayaan ay u badan tahay in ay diidi doonan beesha Madaxweynaha iminka talada haya Maxamed Cabdi Waare oo ay soo saareen xildhibaanadan labada gole ka tirsan ayay ku sheegeen in la raaco dastuurka Hirshabelle lana qabto doorasho waqtigeeda ku dhacdo.

Xidhibaanadan ayaa xusay in muwaadin walba oo ka soo jeeda Hirshabelle uu u tartami karo xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka sida uu qabo dastuurka Hirshabelle.

Sidoo kale xildhibaanadan ayaa taageerey qorshaha guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle iyagoo ugu baaqay dowlada federalka in ay ka qeybqaadato doorasho waqtigeeda ku dhacdo.

Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Maamul Goboleedka Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo xusay in ay tahay in dhammaan beelaha dega Hirshabelle ay u wada tartamaan shanta kursi ee ugu sareysa Hirshabelle.

Shir jaraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ku tilmaamay mid aan suurtogal ahayn in hal beel ay sheegato inay xaq u leedahay xilka ugu sareeya dowlad goboleedka Hirshabelle.

Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa isu diyaarineysa dhismaha hay’adaheeda dowlad-goboleedka markii labaad hayeeshee waxa ay wajaheysaa caqabado u baahan xal u helid! kuwaas oo Ammaanka & saami qeybsigu ugu muhiimsan yihiin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email