Mareykanka oo shaaciyay inay duqeyma cusub ay la beegsan doonaan saldhigyada Alshabaab iyo Daacish ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay sii kordhinayso duqeymaha lala beegsado saldhigyada Alshaabab.

Taliska millatariga Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa ku baaqay in la kordhiyo cadaadiska la saaro ururka Alshabaab oo ay ku tilmaameen kan ugu halista badan xilligan qaaradda Afrika.

Sidoo kale Africom ayaa ku baaqday in la xoojiyo dagaalka iyo duqeymaha lala beegsanayo xubnaha ka tirsan Alshabaab iyo Daacish

AFRICOM ayaa waxaa ay sheegeen in in Alshabaab ay halis ku yihiin ciidamada Soomaalida, kuwa AMISOM iyo danaha Maraykanka intaba.

Alshabaab ayaa lagala wareegay deegaano ka tirsan koofurta dalka Soomaaliya,waxayna khasaare kala kulmeen duqeymaha Mareykanka.