Madaxweyne Qoorqoor oo u goodiyay Shabaabka ku sugan deeganada Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in maamulkiisu uusan aqbali doonin colaad iyo qalalaase ka dhaca deegaanada maamulkiisa uu ka taliyo.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay in dadka Reer Galmudug lagu xanto in ay degaannadooda ka jiraan colaad, balse madaxda Galmudug ay diyaar u tahay inay ka hortagto wax kasta oo keeni kara colaadaha.

Madaxweyne Qoor Qoor,oo hadal ka jeedinayay munaasabad Jaamacad lagu furayay oo ka dhacday guriceel, ayaa sheegay in Galmudug ay ka hortegi doonto wax kasta oo dib u dhigi kara horumarada Galmudug, sida weerarada ay geystaan ururka Al Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay xubno ka tirsan Al Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Dhuusamareeb.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email