Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabada hirgelinta heshiiska nabada Dalka Suudaan

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya dowlada aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

Dowlada Suudaanta Koonfureed  ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada xaajoodyadan nabadeed.

Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax wada qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email