Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay wararka la xiriira bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa fuliya howlgalo ka dhan ah Al Shabaab haba ugu badnaadaan duqeymo dhinaca cirka ah iyo tababaro ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Shabakadda bloomberg.com ayaa daabacday in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u sheegay in uu jeclaan lahaa inay sii joogaan ciidamada Mareykanka, isagoo intaa ku daray inuu rumeysan yahay in dalkiisa oo kaashanaya Mareykanka uu qarka u saaran yahay inuu ka adkaado dagaalyahannada Al Shabaab.

“Runtii waan ku qanacsanahay taageerada Mareykanka, waana ku faraxsanahay waxa Mareykanka uu qabtay, waxaana jeclaan lahaa inaan aragno ciidamada oo sii joogaya illaa iyo inta ay howsha ka dhaceyso 100%,” ayuu yiri Madaxweyne farmaajo.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya kadib hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Trump ee ahaa in Ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email