Madaxweyne Farmaajo iyo madaxdweyne Afwerki oo kulan ku yeeshay magaalada Asmara

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Eriteria Isaias Afwerki ayaa magaalada Asmara kulan ku yeeshay.

Labada Madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadlayaan sidii kor loogu qaadi karo iskaashi siyaasadeedka, arrimaha dhaqaale iyo midda bulsho ee Labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalkaasi kaga qayb geli doona mashaariic horumarineed oo dawladda dalkaasi ka fulin doonto dalkeeda.

Safarkan madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii Saddexaad oo uu ku tagayo dalkaasi Eriteria tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email