Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Mursal iyo ra’iisul wasaare Rooble oo yeeshay kulan xasaasi iyo wadatashi

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo, guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabadiraxmaan iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay yeeshay kulan wadatashi ah oo ku saabsan soo magacaabista Golaha Wasiirada.

Wararaka soo gaarayo xafiiska war qabadka Xorriya Online ayaa sheegaya in kulanka ahaa mid aad xasaasi u ah, kaas oo ay madaxda si weyn u falanqeeyeen dadka loo magacaabi doono wasiirada.

Waxaa la sheegay in laysky raacay in wasiirada dhamaantood ama badankooda laga soo xulo xildhibaanada, si ay u fududaato in ay helaan codka kalsoonida ee Golaha Shacabka.

Kulamada wadatashiga ah ee la xiriira soo magacaabista Golaha Wasiirada ayaa waxaa ay ahaayeen todobaadkaan kuwa si isdaba jooga ah uga dhacayay Madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada waa hadaysan wax isbadalin.

Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilligii ay codka kalsoonida siinayeen xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa uu balan qaaday in ilaa iyo 8 qodob in uu diirada saari doono, kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed u baahan yihiin in wax laga qabto.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email