Madaxweyne Farjaamo oo kulan la qaatay golaha wasiiradda ee cusub

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw kulan la qaatay Golaha wasiiradda ee Xukuumadda cusub ee xalay lasoo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada & haweenka.

Isagoona ku dhiirageliyay Rw Rooble sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email