Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo u amba baxay Addis Ababa

Madaxweynaha Puntand Saciid Cabdullahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Deni iyo wefdigiisa, waxaa garoonka diyaaradaha ka sagootiyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, mas’uuliyiin ka kala tirsan labada gole ee Puntland.

Madaxtooyada Puntland weli wax faahfaahin ah kama bixin safarka Madaxweyne Deni uu maanta uga baxay magaalada Garowe ee ku wajahan Addis Ababa.

Safarka uu madaxweyne Saciid Deni uu ugu amba-baxay ee dalka Itoobiya ayaa ku saabsan arrimaha horumarinta ganacsiga ee deegaanada Puntland iyo dalka Itoobiya, sida ay soo dusiyeen ka soo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.